Wednesday, December 9, 2020

JACBUR



qoqobnaanta dadkeena
horta yaa ka qadeeya
yay qasaaro u leeday
ama qaan ku daboola


nimaan cuud qabin
cilmi aan baran
cibaado aqoon
siduu caashaqay
bay u carartaa

haka hurdin waxa hareerahaga ka socda

guri gabadhi joogtaa
galad lagu ogaaye
tolow yaa usoo gali
haduu gawnaxyada buuro

waqaa lama maqnaadee
maruun muuji hibadaada

bulshadaan xasaradaha
xaalkeedu siduu yahay
xag kastaba ka qiimayn
ama aan xogteediyo
xaqiiqada la noolayn
way xabaalmi doontaa

ganacsigu waa khayaano sharciyaysan

Saturday, April 20, 2019

Wayaane

Wayaane

Hadii uu wayaanuhu gudiyay gabi ahaan tiiba
Inaan gaab sadaa waa waxaan ii gar noqonayne.
Gacal kay ma dheeree anaan gaadhin furintiiye
Gor gor iyo garboolaba hadii galowgu dhiilaabay.
Ilaa gudaha xodayood  hadii gama'i loo diiday
Guud ahaan degaan kii haduu daafac hibanaayo
Gardarada cadaan kaa hadii laygu gogol xaadhay
Geeridu shinkeedee intaan dunida guud joogno
Gaban mayno oo waa naqaan gaylan dirireede
Gucur shaaga aan kicin kuwii gawraca u quudhay.
Gurbood kiyo gashaantida kuwii gumaca leef siiyay .
Maantana   inay soo gedmaan waa wax geda wayne.
Godob tayda duul goobayoo gooman baa badane.
Galbeed iyo baray kala jiraan garacyo shaydaane
Hadii aan gantaalaha rakibo la ima gaadeene.
Gumacaygu meel baydh san buu gawda ku hayaaye.
Garaadkii hadraawi iyo runtii waan usoo galaaaye .
Garan maayo guurtidu waxay gaw la leedahaye.
Gobolkaa lahaydeen hadii guuto halakaysay
Gaashaamo iyo hawd haday ciidu gubanayso
Guud ahaan degaankii haduu daafac hibanaayo.
Inaa gaab sataan waa waxaan maanka gala hayne.
Guluf iyo inuu gaysh xal yahay galiya laabtiina
Abid-kiinba waw guran jirteen goobta lays gallo'e
Maantana garbay tahay inaa guluf alloostaane
Ogaadeen horaa loo galoo gudub warkoodiiye.
Mareexaana way gabawareen maalin galin keeda
Habargidir horay ula galeen guluf colaadeed
Gidhli gaanka Nimankii watiyo Arab na lays gaadhye.
Harta sheekha way soo gubeen waana lays galaye.
Habaryoonis bay maanta iyo shalay ku gaarayde.
Ka kacoo guntada oo kufrigan galiya soodh kiina.

maxamed ibraahin

Xilka kuwii ku xoogaystay ee xalus maraaroobay

Xilka kuwii ku xoogaystay ee xalus maraaroobay
Iyo waran cadii cayda xamar xeelada u haystay
Xeeldhiri iyo muu lahayn xaajo maan galehe
Xiisaha halkii uu u qabay buu xaakinku u diraye
Allaylehe Xilkii guday haduu maanta ka xayuubshay

Umadaha mayiigaa ka badan ama malaayiinka !

Wuxuu maaligeen maanacay baa miiska noo wadhane
Mabaaliiktii masar Joogi jiray marinadoodii dheh
Nin miciin ku biday ood hadana goysay madaxii dheh
Muslim waxaanu. Maanka ku qabteen iyo mashaqo joogtaa dheh
Milge iyo waxaan sharaf lahayd oo maydhmay waa hore dheh
Muraadkii nin hanado u makala iyo oday maqaar saara
Mujrimkaa masiibada wata  iyo macalin shaydaan dheh
Meeriskii suldaan timacade baa meesha soo soo galaye
Dube madaxa waa iska dhacnaa maalin iyo layle
Umadaha mayiigaa ka badan ama malaayiinka
Kama midho yaraaneen hadaan  madaxa lays goyn

Sida goollka loo dhalinayaan layna garansiin

Kubadaa garoomada dhex taal baa lagu gadoodaaye
Gigta horeba gooliyuhu wuu kaga gariir shaaye
Dhexda gabano gaangaanbiya baa gaadada  dhiga'e
Dar kaloo badhkood soo gotay oo goonyaha ilaasha
Iyo waxa giraantii u hadha goloska baalaaye
Garbo siman haduu weerarkii goolka u abaaro
Kolkaasuu ninkii garanayaa gudub u laadaaye
Gadgadoonka daafaca horiyo  gooliyaha dhaarsan
Goortii kuwaa laga gud baa guuli hoyataaye
Sida goolka loo dhalinayo baan layna
garan sine 

Ragga Socodka wow door


Duli iyo Ilaah naguma rido waxaanan doonayne.
Raga socodku waw door hadaan mawdku dabargoyne
Maantoon dal dheer jiro iyo markii degelka aan joogay
Dareenkaygu waa kala fog yahay daacada ilaahe
Dooxii togdheer iyo intaad degelka meeraysid
Dalmar baan ahaye haygu dudin doogsin cararkayga
Imikana dal sii durugsan baa. Dirir ka muuqdaaye
Igu dayo hadaad diric tahay oo  maqal dabuub tayda

Dhagax-xabaaleed

 
Dhudda gabayga anigaa dhisoo la iga dhowraaye
Dhaliil malaha maansooyin kaan xaraf ku dhaafaaye.
Dhadhan baan u yeelaa murtida yaanay dheeliyine
Abid kay mid kii dhaxal leh baan dhul u xariiqaaye
Isma dhibo'e sida dhool gu, baan dhibaca daad shaaye
Wax badan buu qalbigu dhoof lahaa oo yurub dhex taagnayde
Wax badan baan dhalaan yeelo idhi saa danbaad dhugane.
Wax badan baan raguba waa dhintaa ee dhowr jihaad idhiye

Wax badan baan dhulkii hooyo idhi yaa dhismo gale'e
Dharaarahan is daba meerayaa dhibay barbaartiiye
Dhalaankiyo caruur tii tubnayd dooxa dhinaciisa
Allow yaa dhar siiyaan lahaa oo diin tana u dhiga'e 
Wax may dhibine  kii loo dhalaa dhigay xilkiisiiye
Masuuliyad ba laga dhaarayoo kii lahaa dhimaye.
Dhir galbeed ka laga keenay bay daanka dhigayaane
Dhibaatada Dhalaankiyo ma oga  shay kastoo dhacaye
Hooyooyin kaa noo dhintoo dhaan ka noo raraye
 iyaguna dhib wayn bay qabaan oon cidina dhaadayne.
Dhacan yoo dhulkeenii  Amxaar  dhoor leh Baw hadhaye
Dhalinyaradi soo  dhicin lahayd way sibiq dhaqaaqeene.
Magafay dheryaha ugu jiraan  oo dhuuqa gabidoode
Dahab kii kuwii loo dhigay iyo shay kastoo dhaxala.
Badahay ku dheelimanayaan oo dhimay warkoodiiye
Dhadhaab adag ayay kala kulmeen dhulalki gaalaade
Dhacdo uguba dhaqan dooris iyo shay kastoo dhamaca
Dhafoor taabad kaa kaaga daran dhirifta xooshowe
Dhafan dhoofka  waxa nagu ridaan dhayda ka cadayne
Sanam dhoqosha oon dhumuc lahayn dhicid na dhowraaya
Dhagar qabe intuu noo qurxiyay dheeman ku tilmaanye
Dhaxan tire rag baa moodayoo oon Dhugmo lahayne
Inuu dhagax xabeeleed yahaan dhaar ku marayaaye
Iska dhiga wax lagu dhaato iyo ma aha dheeldheele
Dhulka dhiciya diin tana ku dhaga dhaxalki weeyaane