Wayaane
Wayaane
Hadii uu wayaanuhu gudiyay gabi ahaan tiiba Inaan gaab sadaa waa waxaan ii gar noqonayne.
Gacal kay ma dheeree anaan gaadhin furintiiye
Gor gor iyo garboolaba hadii galowgu dhiilaabay.
Ilaa gudaha xodayood hadii gama'i loo diiday
Guud ahaan degaan kii haduu daafac hibanaayo
Gardarada cadaan kaa hadii laygu gogol xaadhay
Geeridu shinkeedee intaan dunida guud joogno
Gaban mayno oo waa naqaan gaylan dirireede
Gucur shaaga aan kicin kuwii gawraca u quudhay.
Gurbood kiyo gashaantida kuwii gumaca leef siiyay .
Maantana inay soo gedmaan waa wax geda wayne.
Godob tayda duul goobayoo gooman baa badane.
Galbeed iyo baray kala jiraan garacyo shaydaane
Hadii aan gantaalaha rakibo la ima gaadeene.
Gumacaygu meel baydh san buu gawda ku hayaaye.
Garaadkii hadraawi iyo runtii waan usoo galaaaye .
Garan maayo guurtidu waxay gaw la leedahaye.
Gobolkaa lahaydeen hadii guuto halakaysay
Gaashaamo iyo hawd haday ciidu gubanayso
Guud ahaan degaankii haduu daafac hibanaayo.
Inaa gaab sataan waa waxaan maanka gala hayne.
Guluf iyo inuu gaysh xal yahay galiya laabtiina
Abid-kiinba waw guran jirteen goobta lays gallo'e
Maantana garbay tahay inaa guluf alloostaane
Ogaadeen horaa loo galoo gudub warkoodiiye.
Mareexaana way gabawareen maalin galin keeda
Habargidir horay ula galeen guluf colaadeed
Gidhli gaanka Nimankii watiyo Arab na lays gaadhye.
Harta sheekha way soo gubeen waana lays galaye.
Habaryoonis bay maanta iyo shalay ku gaarayde.
Ka kacoo guntada oo kufrigan galiya soodh kiina.
maxamed ibraahin

0 Comments:
Post a Comment
Subscribe to Post Comments [Atom]
<< Home