Friday, April 19, 2019

Maryam iyo Mulaaxo

Maryam iyo Mulaaxo

Maansadu macaaniyo                                                                                         12.Maarso.2017           
Waxay midabo leedahay
Marka ay macnaha guud
Mid u gaara leedahay .

Waxay muuqataayoo
Dadku wada majeertaa
Markay macalimiintiyo
Inta madasha joogtaa
Miisaami karayaan .

Dhalinyahay milgaha lee
Muunadii  bulshada iyo
Maamuuska wadataay
Marka hore ma nabad baa
Marka xiga muraad kay
Aan idiin macneeyee
Inyar maqalka ii fura .

Maah maah mugwayn baa
Macnaheedu wuxu yahay
Milgaheeda noloshuba
Labuun bay ku meertaa
Waa inaad maqnaatoo
Magacaa lawaayaaa
Amaad muuqataayoo
Madaalaha bulshada iyo
Mufti laga danbeeyiyo
Qof maqaam leh noqotaa
Labadaa marxaladood
Dhalinyarada maantaay
Midkee baa ku toostaan

Waxay tidhi war-moogoow
Inan yahaw maqiiqani
Waxaad muujinaysiyo
Waxaad miiska keentiyo
Waxaad maandhe leedahay
Waa wax aniga iga maqan
Ee bal mari u jeedada
Aad milicsanaysee
Maankaagu kugu yidhi

Waxan idhi mullaaxooy
Bulshadii mudnayd ee
Aduunyada martiyi jirin
Sowtan madhisay miinadu
Badhna mudatay gaajadu
Badhna madhiyay saxarahu
Badhna miis yar lagu sabay
maxay tahay masiibadu
Maxaa maydhay sharaftii
Murankiyo marqaankiyo
Masiibada siyaasigu
Ma wax lagu macaashaa 
Dhaqankii mudnaa iyo
Maskaxdii maxaa helay
Maye colimadeenii

Waxay tidhi ma quustoow
Waar  xaajo murugtoo
Wakhtigeedu meeraad
U sidaa maqaar kee
Waxaa aniga ila mudan 
Inaad maalmo maadiga
Macnihiisa baratee
Bal u kaadi maansadoo
Marka hore digtoonow

Mudan hooyadaa iyo
Maskii Aabahaa cunay
Inuu mootan yahay baad
Maskaxdaada galisoo
Waxaad maanta leedahay
Maryam baa  mataan iyo
Laba midab wadaagtiyo
Ma hurto aynu  nahayoo
Maalmihii badh baa hadhay .
Xaajaduu  maldahayiyo
Muraadkiisu badanaa
Waa wax aanan wali  maqal.

Waxan idhi macaaneey
Maska aad tilmaantee
Qoys keena bari miray
Sow taan mashqiciyee
Madfac aan la dhacayee
Maado kiimiko ahiyo
Kaga mudan wadnaha maar

Maryam taad tilmaantee
Magaceeda sheegtayna
Muuqeeda maan arag
Manay odhan war moogow
Muraadkaygu wuxu yahay
Mullaaxo iga gaadh sii
Hayeeshee mullaaxooy
Waxa igu maqaalaa
Iyadaa maciin iyo
Dhiig joojin lagu mudo
Maantadaa u baahnayd

Waxan idhi macaaneey
Maansada mullaaxooy
Milge aad u wacan iyo
Millix aan u yeelnee
Gacantaadi midig iyo
Maryan waxad ku maagtee
U mudhnaatay kaligaa
Macnaheeda ii sheeg 

Waxay tidhi war-moogoow
Bada looma maydh tago
Haday mawjad leedahay
Moolkeeda hoosiyo
Qusul meesha lagu hubo
Layskuma maqiiqee
Naftaa lagala maagaa
Masiibadu halkay taal 
Macaash lagama doontee
Waa laga maqnaadaa .

Adiguna war moogow
Murtidood xaraashtiyo
Maryan ood la'oydiyo
Magacdoon ayaa  tahay

Waxan idhi mullaaxooy
Hadii maanta miinada
Marinkiina  laga guro
Cadawgiin ha miiqmee
Hadii maanta muruqiyo
La mideeyo madaxoo
Dhulka midho macaaniyo
Macdan lagala soo baxo
Arinkaa marwaysani
Sidee kuula muuqdaa

Waxay tidhi war-moogoow
Magacaa ba'a  wiil yahaw
Afkuun bay kamarisoo
Macaaneey ka leedee
Mayadaa midhkaa tidhi 


Maryam iyo mugeedii
Muna iyo wax sheegeed
Malyuun iyo maqnaanteediyo
Wuxuu maan ku odhan laa
Ka maquuran maynee
Aan u meersho maansada
kuwa igaga muuq dheer


Hal-Abuur  maxamed Ibraahin Cabdilaahi

0 Comments:

Post a Comment

Subscribe to Post Comments [Atom]

<< Home