Dhagax-xabaaleed
Dhudda gabayga anigaa dhisoo la iga dhowraaye
Dhaliil malaha maansooyin kaan xaraf ku dhaafaaye. Dhadhan baan u yeelaa murtida yaanay dheeliyine
Abid kay mid kii dhaxal leh baan dhul u xariiqaaye
Isma dhibo'e sida dhool gu, baan dhibaca daad shaaye
Wax badan buu qalbigu dhoof lahaa oo yurub dhex taagnayde
Wax badan baan dhalaan yeelo idhi saa danbaad dhugane.
Wax badan baan raguba waa dhintaa ee dhowr jihaad idhiye
Wax badan baan dhulkii hooyo idhi yaa dhismo gale'e
Dharaarahan is daba meerayaa dhibay barbaartiiye
Dhalaankiyo caruur tii tubnayd dooxa dhinaciisa
Allow yaa dhar siiyaan lahaa oo diin tana u dhiga'e
Wax may dhibine kii loo dhalaa dhigay xilkiisiiye
Masuuliyad ba laga dhaarayoo kii lahaa dhimaye.
Dhir galbeed ka laga keenay bay daanka dhigayaane
Dhibaatada Dhalaankiyo ma oga shay kastoo dhacaye
Hooyooyin kaa noo dhintoo dhaan ka noo raraye
iyaguna dhib wayn bay qabaan oon cidina dhaadayne.
Dhacan yoo dhulkeenii Amxaar dhoor leh Baw hadhaye
Dhalinyaradi soo dhicin lahayd way sibiq dhaqaaqeene.
Magafay dheryaha ugu jiraan oo dhuuqa gabidoode
Dahab kii kuwii loo dhigay iyo shay kastoo dhaxala.
Badahay ku dheelimanayaan oo dhimay warkoodiiye
Dhadhaab adag ayay kala kulmeen dhulalki gaalaade
Dhacdo uguba dhaqan dooris iyo shay kastoo dhamaca
Dhafoor taabad kaa kaaga daran dhirifta xooshowe
Dhafan dhoofka waxa nagu ridaan dhayda ka cadayne
Sanam dhoqosha oon dhumuc lahayn dhicid na dhowraaya
Dhagar qabe intuu noo qurxiyay dheeman ku tilmaanye
Dhaxan tire rag baa moodayoo oon Dhugmo lahayne
Inuu dhagax xabeeleed yahaan dhaar ku marayaaye
Iska dhiga wax lagu dhaato iyo ma aha dheeldheele
Dhulka dhiciya diin tana ku dhaga dhaxalki weeyaane

0 Comments:
Post a Comment
Subscribe to Post Comments [Atom]
<< Home