Sida goollka loo dhalinayaan layna garansiin
Kubadaa garoomada dhex taal baa lagu gadoodaaye
Gigta horeba gooliyuhu wuu kaga gariir shaaye
Dhexda gabano gaangaanbiya baa gaadada dhiga'e
Dar kaloo badhkood soo gotay oo goonyaha ilaasha
Iyo waxa giraantii u hadha goloska baalaaye
Garbo siman haduu weerarkii goolka u abaaro
Kolkaasuu ninkii garanayaa gudub u laadaaye
Gadgadoonka daafaca horiyo gooliyaha dhaarsan
Goortii kuwaa laga gud baa guuli hoyataaye
Sida goolka loo dhalinayo baan layna
garan sine

0 Comments:
Post a Comment
Subscribe to Post Comments [Atom]
<< Home